Ma Dhabaa In Duqa Mogadishu Uu Xanuunsanaayo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaalad caafimaad darro oo uu muddo dheer la tacaalayay Duqa Magaalada Mogadishu Cumar Finish, taasoo horseeday inuu Xafiiska uu tagi waayo, iyadoo ay soo baxaayaan warar kala duwan oo xanuunkiisa ku saabsan…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Bukaanka Cumar Finish uu muddo 3-maalmood ah ku xanuunsanaayo hoygiisa, waxaana booqasho ugu tagay Tiro Dhakhaatiir ah oo isugu jira Somali & Ajaaniib kuwaasoo la tacaalaaya Bukaanka, iyadoo la sheegay inuu qabo cuddurka Beerka ku dhaca.

Cumar Finish ayaa dhowr jeer safaro Qarsoodi ah ku tagay Dalka Turkiga, si looga daweeyo Cuddurka haya, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xaalada Caafimaad Ee Duqa Magaalada Mogadishu ay aad u liidato.

147880cookie-checkMa Dhabaa In Duqa Mogadishu Uu Xanuunsanaayo