Maamulada Khaatumo & Somaliland Oo Diidan Kala Wareejinta Maxaabiista Dagaalada lagu Qabtay..

Somalia news

Iyadoo Ururada ICRC & Bisha Cas ay booqdeen Xabsiyada Laas caanood iyo kan Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in War-saxaafadeedka ICRCda ayaa lagu xusay in toddobaadkii la soo dhaafey 110 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalada, halka 42 meyd ah lagasoo soo aruuriyey goobihii lagu dagaalamay si loogu sameeyo aas..

Hogaanka SSC/Khaatumo ayaa Saraakiisha ICRC/Bisha Cas waxey geeyeen Xabsiga dhexe ee Degmada Laas Caanood, iyadoo ku soo bandhigay 340-Qof Maxaabiis ah kuwaasoo lagu qabtay dagaalkii, halka kuwa qaba dhaawacyada la geeyay Isbitaalada Magaalooyinka Laas caanood iyo Garoowe, Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Taas macneheedu waxa weeye in qof kasta oo xidhani uu helo cunto iyo biyo oo aanu la kulmin in si xun loola dhaqmo,” ayay tiri Hay’adda Caalamiga ah ee ICRC.

Halka, Saraakiil kasocda Ururka Bisha Cas ay shalay booqdeen Maxaabiista SSC-Khaatumo ee ay gacanta ku hayso Somaliland, kuna xiran xabsiga Hargeysa, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 50-Maxbuus oo 6-ka mid ahi ay Qabaan Cuddurka Dhimirka, iyagoo u kuurgalay xaaladooda iyo habka loola dhaqmay qabashada ilaa hadda.

Xubnaha bisha Cas ayaa maxaabiista qaar kala hadlay mashruuc la xariira sii deyn, haddii ay Isimada SSC-KHAATUMO ku cadaadiyaan in ay ogolaadaan kala wareegsasho, laakiin tan waxaa ka hor imaanaysa in aysan dhinacyaduba wada hadlin, sidoo kale Maamulka Somaliland ayaa ka caga jiidaaya in la kala wareejiyo Maxaabiista, waxeyna wadaan Abaabul dagaal oo rogaal celin ah.

275720cookie-checkMaamulada Khaatumo & Somaliland Oo Diidan Kala Wareejinta Maxaabiista Dagaalada lagu Qabtay..