Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Oo si Adag u Naqdiyay Warqad been Abuur ah

Somalia news

Iyadoo ay aad u xoogeysteen abaabulka Howlgalada lagaga xoreynaayo degaanada ay xooga ku heysteen Argagixisada Shababka, ayaa haddana waxaa soo shaac baxaaya warar been abuur ah oo ay baafinayaan Xoogagii taageerayaasha u ahaa Maamulkii fashilmay ee Farmaajo kuwaasoo doonaya in khalkhal geliyaan Amaanka Caasimada…

Waxaa saacadihii lasoo shaafay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahiyay warqad la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Maareeyaha garoonka Aadan Cadde, taasoo ka digeysa weeraro laga yaabo in kooxda argagixisada Shabaabka kusoo qaadaan garoonka.

Wararka ayaa sheegay in Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha uu soo saaray Qoraal ku sheegay in amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gacanta ku hayaan hay’addaha amniga, waxaana lala socodsiiyay bulshada Soomaaliyeed in warqad la soo saaray oo ay tahay mid been abuur ah.

217460cookie-checkMaareeyaha Garoonka Diyaaradaha Oo si Adag u Naqdiyay Warqad been Abuur ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com