Maxaa Deniga Puntland ku Riixay inuu Ka Aamuso Guusha SSC/Khaatumo..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Dad badan ay la yaabo ku noqotay in Madaxweynaha Maamulka Puntland ee muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay (S.Dani) inuu ka gaabsado ka hadalka Guusha Xoogaga SSC/Khaatumo ay Degaanada Gobolka Sool xooga uga saareen Maamulka Hargeysa…

Khubarada arrimaha Gudaha ee Somalia ayaa ku fasiray qaarkood in (Dani) markii horeba uusan raali ka aheyn Kacdoonka Buuluga ah ee Gobolka Sool ka curtay, isla markaasna uu doonaayay in arrinta Laas caanood ka dhigo mid laalan tan iyo inta uu ka gaaraayo damaciisa muddo kordhinta isla markaasna arrinta u adeegsado Xildhibaabada ka soo jeeda Gobolka Sool iney taageeraan.

Halka kuwo kale ay ku fasireen in Xiriirka dhow uu la leeyahay UAE oo aad u taageersan Maamulka Somaliland ay culeys ku saareen inuu ka gaabsado ka hadalka Dagaalka iyo u fidinta taageerada, maxaa yeelay UAE ayaa 400-millions US$ ku maalgelisay Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Berbera.

Mr.Dani oo muddo ku sugan magaalada Dubai, ayaa horey arrinta Gobolka Sool uga dhigtay olole si ay ugu riixaan mucaardkiisa diidan qorshihiisa muddo kordhinta, isagoo ku eedeeyay ineysan raali ka aheyn Kocdoonka Buluuga ah ee SSC-Khaatumo, wuxuu kaloo doonaaya in 17-Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante iney taageeraan qorshihiisa, inkastoo Saraakiisha Kacdoonka ay ka hor istaageen intii uu dagaalka socday inuu booqdo magaalada Laas caanood.

275650cookie-checkMaxaa Deniga Puntland ku Riixay inuu Ka Aamuso Guusha SSC/Khaatumo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com