Boliiska Germany oo Xabsiga Dhigay Xubno Looga Shakiyey inay Qorsheynayeen Qaraxyo..

World

Faahfaahin ayaa laga helayaa howlgalo ay fuliyeen Hey’adaha Amaanka Dalka Germany, waxeyna ku soo qabteen 2-Nin oo ka soo jeeda Dalka Syria kuwaasoo looga shakiyay inay qorshaynayeen inay fuliyaan weerar qaraxyo ah gudaha Dalkaasi…

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay iney xireen Nin-28 sano jir ah subaxnimadii hore ee Shalay magaalada Hamburg oo ku taal Waqooyiga Dalkaasi, iyadoo ka hor qabashadiisa Warqad qabasho la weydistay Maxkamadda, dembiyo la xiriira Tuhun argagixiso, Iyadoo ay Baarayaasha Boliiska ay sheegeen inuu Eedeysanahaan uu waxyaabaha qarxa ka baadi goobaayay Internet-ka.

Bokiiska ayaa sheegay inuu ku howlanaa sidii uu farsameyn lahaa Suunka qaraxyada lagu xiro, si uu ula beegsado goobaha Dadku ku badan yihiin, iyagoo intaasi raaciyay in Ninkaan uu taageero ka helay Walaalkiis oo 24-sano jir ah magaalo kale, Boliiska ayaa sheegay iney Xog ka heleen Nin la degenaa.

253460cookie-checkBoliiska Germany oo Xabsiga Dhigay Xubno Looga Shakiyey inay Qorsheynayeen Qaraxyo..