Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan ayaa ku Geeriyoodeen Doon Degtay

Somalia news World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Doon siday Tahriibayaal oo dhowr maalmood ka hor ka shiraacatay xeebaha Turkiga kuna wajahneyd Dalka Talyaaniga ayaa ku degtay meel u dhow xeebta Magaalada Crotone ee Gobolka Calabria ee Dalka Italy, kooxaha Gurmadka ayaa sheegay sidaas sheegay…

Waxeyna intaasi raaciyeen in Doontaani ay saarnaayeen qiyaastii 150-Tahriibayaal ah, iyadoo 59- Qof ay ku dhinteen oo 12-Caruur yihiin iyadoo tobanaan kale la’layahay, kadib markii ay Doontii ay la socdeen ku degtay Badda oo xiligaan kacsan ee Mediterranean-ka konfurta Talyaaniga, iyadoo Mas’uuliyinta Italia ay sheegeen in qiyaastii 30-Qof la la’yahay.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa sheegay in ey helern qaar ka mid ah Tahriibayaasha kuwaasoo ka degay doonta isla markaasna u suurto gashay iney soo gaaraan xeebaha, ilaa hadda ma jirto tiro rasmi ah oo laga hayo tirada saxda ah ee Tahriibayaasha Doonta saarnaa, Doontaan ayaa la sheegay in Tahriibayaasha saarnaa ay u kala dhasheen Dalalka Afghanistan, Iran, Pakistan iyo Somalia.

244120cookie-checkTahriibayaal ay Soomaali ku jiraan ayaa ku Geeriyoodeen Doon Degtay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com