Maxaa ka Run ah in Djibouti Lagu Dhexdhexaadinaayo Somaliland & Somalia…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle uu iskugu yeeray kulan wada tashi ah saraakiil hoose oo ka kala socda Maamulka Muuse Biixi iyo Villa Somalia kuwaasoo ka wada hadlaaya sidii loo ambaqaadi lahaa Wada hadalada kadib markii Maamulka Hargeysa jab xoogan kasoo gaaray Dagaalkii Goojacadde..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in laba maalin kahor dalka Djibouti ay gaareen Wafdi ka socda Maamulka Somaliland kuwaasoo ka koobnaa 5-Xubnood, waxaana hogaaminayaa mid kamid ah Wasiirada ugu dhaw Muuse Biixi, majirto warar dheeraad ah oo la xariirta safarkan Qarsoodiga ah.

Ku darsoo waxaa maalintii shalay Madaxweyne Hassan Sheekh ayaa gaaray dalka Djibouti, isagoo ka tagey Dhuusa mareeb, oo todobaadyadii ugu damveysay Dowladu ka waday Howlgalo la xiriira dagaalanka Argagixisada, Madaxweynaha ayaa Ilaa Axada wuxuu joogi doonaa, lamana yaqaano inuu la kulmi doono Wafdiga Somaliland.

Kulamadaan ayaa Khubaradu ku fasireen in laga tashanaayo sidii go’doon Siyaasadeed mid dhaqaale loo gelin lahaa Maamulka Dani oo Xiligaan adag ee muddo xileedkiisu 3-bilood iyo bar harsan yihiin isla markaasna wajahaaya caqabado gudaha ah, waxaana lagu wadaa in taageero dhaqaale loo fidiyo Garabyada Mucaaradka si loo fashiliyo inuusan muddada kororsan laguna qasbo inuu qabto Doorasho loo wada dhan yahay.

278350cookie-checkMaxaa ka Run ah in Djibouti Lagu Dhexdhexaadinaayo Somaliland & Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com