Shirkadda Allen-vangard oo Dalka Keeneysa Qalabka ka hortagga Walxaha qarxa 

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qandaraas la siiyay Shirkadda Allen-vangard oo Canadees ah, taasoo takhasus ku ah ka hortagga Walxaha Qarxa (ECM) (electronic countermeasures company), Shirkadaan ayaa Qandaraas ka heshay Somalia…

Wararka ayaa sheegay in Qandaraaska uu ku kacaayo ilaa 5-Millions Canadian dollar, ayaa mas’uiyiinta Shirkadu ka gaabsadeen iney faafiyaan Macaamiil ayaa u qabaneyso shaqadaan, inkastoo la og yahay iney Dalka Somalia tahay, si loo ilaaliyo khataraha miinoiyinja iyo kuwa halista ugu jira iney ka shaqeeyaan Dalkaan.

Qalabka oo nooyadiisu yahay 3XXX (3140, 3230, & 3330), ayaa ah mid ku rakiban Gadiidka oo digniinta fog bixiya, waxaana lagu wadaa in la keeno Somalia dhawaan, iyadoo lagu rakibi doono Goobaha Mihiimka ah sida Isgoysyada ama gadiid gaar ah oo kuwa ilaalada Madaxda, Shirkadda ayaa sidoo kale geyn doonta Somalia Qalab loogu magac dara (Scorpion manportable ECM solution), qalabkaan oo fududeynaayo inuu ilaaliyo Shaqaalaha iyo hagaayana nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lageyn (Drones) iyo (Ancile counter-UAS (C-UAS).

220620cookie-checkShirkadda Allen-vangard oo Dalka Keeneysa Qalabka ka hortagga Walxaha qarxa 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com