Dowlada Djibouti Oo Kulan u Qabaneysa Xasan Sheekh & Muuse Biixi & Sababaha ka Dambeeya..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Kulan ay yeelanayaan Xasan Sheekh & Muuse Biixi, kaasoo qabanqaabadiisa ay muddo riixeysay Dowlad Djibouti, iyadoo looga doodi doono sidii dib loogi soo nooleyn lahaa Wada hadaladii Maamulka Gooni goosadka Somaliland iyo Dowlada Federaalka…

Safarka Xasan Gurgurte waxaa la sheegay iney ku wehlin doonaan qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa gaarka ah, Wasiiro iyo Ergeyga Villa Somalia u qaabilsan dhanka wada-hadallada Somaliland, Sidoo kale Muuse Biixi isna waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiirada kala ah Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Biyaha ee maamulkaasi.

Wada hadalada ayas kaalinta hore kaga jira sidii loo maareyn lahaa xaaladda colaadeed ee gobalka Sool, Arrimaha maxaabiista dhinacyada kala haystaan, Arrimaha wada hadalka Hargeysa iyo Muqdisho, waxaana qeyb ka ah Danjiraha Dawladda UK oo ku cadaadinaysa Xasan iyo Muuse iney go’aan rasmi ah oo xal ah keenan.

Kulankaan ayaa ku soo beegmay xilki ay qalalaaso ka taagan yihiin degaanadii uu sheegan jiray Maamulka Somaliland, iyadoo dagaalo ka dhacay magaalada Laas caanod Maamulka looga itaal roonaaday laga saaray dhamaan Degaanada Gobolka Sool, ku darsoo Gobolka Awdal ayaa isna wada dhaqdhaqaaq ay ku mahacaabayaan Maamulka Degaanadaasi, sidoo kale dukeedka magaalada Hargeysa ayaa dagaalo beeleedyo ka socdaan.

296490cookie-checkDowlada Djibouti Oo Kulan u Qabaneysa Xasan Sheekh & Muuse Biixi & Sababaha ka Dambeeya..