Rooble Oo Xiriir La Sameeyay Madaxda Gobolada

Somalia news

Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo xalay wada hadalo khadka zoomka yeeshay ayaa ka hadlay dardar gelinta doorashooyinka, arrinta Somaliland, Hirgelinta soo jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada…

Ilo ku dhow dhow Kulankaan ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay aad ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Somaliland, sida muuqatay ay Madaxda Dowlad Goboleedyada xiriiro la kala leeyihiin labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Dhanka kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay.

131390cookie-checkRooble Oo Xiriir La Sameeyay Madaxda Gobolada