Maxaa ku Riixay TV-da Madaxa Banaan iney ka Baaqsadaan Baahinta Dooda “Madasha Minbar”..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa kulan uu xalay Madaxweynaha Somalia kaga qeyb galay Dood ay soo qaban qaabisay Madasha Minbar oo looga hadlayo Geeddi Socodka Dowladnimada, iyadoo Xasan Sheekh uu kaga jawaabay su’aalo Dad si gaar ah loo soo xulay ee martida ka qeyb galaysa doodaan oo ka dhacday Hotel Jazeera…

Wararka ayaa sheegaya in Telefishinada madaxa bannaan ee fadhigoodu yahay Muqdisho ay qaadaceen baahinta tooska ah ee dooda Madaxweynaha ee hotel Jazeera ka socota, Diidmada ayaa timid saluug ay ka qabaan hab dhaqanka Villa Somalia ee warbaahinta madaxa bannaan oo waayadi u dambeeyey sii xumaanayey.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Ilaa 8-TV ay isku raaceen go’aankaan Diidmada ah, waxaana ay ku balameen in kulan ay isaga yimaadaan sida laga yeelayo wada shaqeynta Villada iyo warbaahinta madaxa bannaan mustaqbalka dhow, Kulankii xalay ayaa la sheegay iney baahiyeen SnTV iyo GoobjoogTv.

296420cookie-checkMaxaa ku Riixay TV-da Madaxa Banaan iney ka Baaqsadaan Baahinta Dooda “Madasha Minbar”..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com