Boliiska Oo Hor-istaagay Xaflad Lagu Qaban Lahaa Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Xoogaga Amaanka ay xalay ku joojiyeen xaflad la sheegay in lagu xusayey dabaaldega sanadguurada 30aad ee ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland kaasoo lagu waday in lagu qabto Hoteel ku yaal Magaalada Mogadishu…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Boliiska Gobolka Benadir ayaa xalay gaaray hotelka Elite ee ku yaalla xeebta liido ee magaalada Muqdisho waxayna kala eryeen dad u badnaa kuwo kasoo jeeda gobolada Waqooyiga oo isku diyaarinayey iney halkaas xaflad ku qabtaan.

Maamulka Hotelka ayaa markii dambe ku wargeliyay qaban-qaabiyaashi Xafladda inay soo gaartay warqad lagu joojinayo Xaflada oo ka soo baxday Wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia, iyadoo ugu dambeyntii lagu kala tagay.

119420cookie-checkBoliiska Oo Hor-istaagay Xaflad Lagu Qaban Lahaa Mogadishu