Mareykanka Oo Digniino Ka Soo Saaray Kenya

Somalia news

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa digniino ka soo saartay Dalka Kenya, iyadoo ugu baaqday Muwaadiniinteeda ineysan ku deg degin safaro ay ku gaaraan Dalka Kenya, sababo la xiriira Cudurka Caabuqa Ee Covid-19….

Qoraalkaan Oo ay Wasaarada la wadaagtay Safaarada USA ee Nairobi ayeey ku sheegtay in Xaalado Caafimaad, Dembiyada abaabulan iyo cabsi la xiriirta falal argagixiso ay ka dhici karaan Dalka Kenya iyo Afduubyo, iyadoo Degaanada qaarkood warbixinta lagu sheegay iney ka jirto khatar.

Xarunta Cudurka day Faafa ee Mareykanka CDC (Center for Disease Controland Prevention), ayaa digniinteeda ku tilmaamtay heerka 3-aad ee digniinaha, taasoo amreysa in aan safaro aan muhiim aheyn lagu tegi karin Dalalka ay ka jiraan khatarta Cafimaad iyo Dembiyada abaabulan.

Saraakiisha Amaanka ee Qunsuliyada Mareykanka ayaa si Gaar ah farta ugu fiiqay xaafadaha Magaalada Nairobi Gaar ahaan Kibera iyo Eastleigh Ay aad ugu kordheen Dembiyada abaabulan iyo afduubka iyo xadka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, digniintaan ayaa soo baxday kadib markii uu Mr.Uhuuru uu shaaca ka qaaday in la xakameeyay Xaalada Caafimaad ee Coronavirus ee Kenya.

53070cookie-checkMareykanka Oo Digniino Ka Soo Saaray Kenya