UK oo Lagu Eedeeyay iney ku Hagoogatay Warbixinada Xasuuqa Ee Maamulka Somaliland

Somalia news World

Macluumaad hordhac ah ayaa sheegaya in Xafiiska Arrimaha Dibedda ee G/Britain uu faafreeb ku sameeyay “xog muhiim ah” oo la xiriira Falalka guracan ee Maleeshiyaadka Muuse Biixi oo si bareer ah u toogtay Dad si Nabad ah u banaanbaxaayay, kadib markii ay Dowladda UK maalgelisay qayb ka mid ah Xoogaga Amaanka ee qaybta ka ah dilalka…

Xogtaan ayaa qirtay in Saraakiisha Xafiiska Wasaarada Arrimaha UK ayaa ku adkeystay ineysan shaacin doonaan Warbixinada qiimeynta lagu sameeyay, in kooxda RRU oo ay maalgeliyaan ay tiro dhowr jeer ay xasuuq u geysteen Dadka u dhaq-dhaqaaqa Arrimaha Midnimada Somalia ee dibadbaxa ka dhigay magaalada Laascaanood ee uu muranku ka taagan yahay sanadka bilowgiisii.

Boqortooyada UK si rasmi ah uma aqoonsan Somaliland inay tahay dal madax-banaan balse waxay maalgelisay ciidamadeeda amaanka gaar ahaan RRU (Rapid Response Unit) oo ay ku jiraan Unugyo looga shakisan yahay inay xasuuqa geysteen.

253110cookie-checkUK oo Lagu Eedeeyay iney ku Hagoogatay Warbixinada Xasuuqa Ee Maamulka Somaliland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com