Wasiirka Amniga Oo Safar Shaqo ku Tagay Dalka Serbia

Somalia news World

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Mr.Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan gaaray Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Dalka Serbia, kadib markii uu Martiqaad rasmi ah ka helay dhig-giisa Serbia Mudane Bratislav Gasić…

Safarkan shaqo ayuu Wasiir Doodishe muddo 3-maalin ku joogi doonaa Serbia, isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Serbia oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić.

Wasiirka ayaa sidoo kale Tababar u soo xiri doona Cutubyo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo 4-bil Tababar ku qaatay Dalkaasi, iyadoo sidoo kale uu Kormeer ku tagi doono Warshadaha Hubka & Gadiidka Ciidamada, Serbia & Somalia waxaa ka dhexeeya xiriir Saaxiibtinimo oo ku dhisan Danaha labada Dal.

250600cookie-checkWasiirka Amniga Oo Safar Shaqo ku Tagay Dalka Serbia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com