Boobka Doorashada Magaalada Oo Mogadishu Cabsi Dagaal Gelisay

Somalia news

Iyadoo maalmahaan ay jireen xiisado xoogan oo u dhaxeeya Maamulka Fashilmay ee Farmaajo iyo Madaxda Midowga Musharixiinta kuna aadan Boobka Doorashada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya cabsi dagaal iyo abaabulo iska soo horjeeda Oo qeybahaan ka wadaan Magaalada..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo iyo Fahad u yeereen Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada, iyadoo culeys ku saaray in Kursiga Hop#067 oo loo boobay Eedeysane Yasin Faray uusan natiijada waxba ka bedelin isla markaasna qaato dhaqaale, talaabadaan ayaa la sheegay iney horseedi karto inuu Dalka cagaha la galo Dagaal sakooye.

Wararka ayaa sheegay in Farmaajo uu go’aansaday in hadii aan inta badan kuraasta loo boobin, uu joojin doono Doorashada isla markaasna Magaalada ku soo rogi doono Bandow, iyadoo dhawaan la filaayo inuu Dhalinyaradii Eritrea Dib loogu soo celiyo Dalka, waxaana loo qorsheeyay in la dejiyo Degaanada Qorilow, Dugsiga Tababarada Nabadsugida Ee Duleedka Balcad Xerada Guutada 14-aad, Duleedka Jasiira iyi Degmada Afgooye.

Dhanka kale, Hogaanka Midowga Musharixiinta ayaa la sheegay iney Ciidamo aad u hubeysan ku diyaarinayaan gudaha Magaalada Mogadishu, iyagoo la sheegay iney ka war heleen Qorshaha Farmaajo iyo Fahad, Waxaana dhici karta in dagaal lagu hoobto uu Magaalada ka dhici doono.

154820cookie-checkBoobka Doorashada Magaalada Oo Mogadishu Cabsi Dagaal Gelisay