Maxaa ka Dhab ah in Duqeyn lagu Dilay Maleeshiyaad ka Tirsan Kooxda Argagixisada..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya howlgal weerar iyo duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Dowlada iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa khasaare lagu gaarsiyay tiro maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada shabaabka ka sameeyay degaanka Baraag Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Mudug…

Howlgalkaan huwanta oo ay ka fuliyeen degaanka Baraag Cali Gaduud oo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug qiyaas ahaan 31 KM dhanka koonfureed kaga beegan ayaa ahaa duqeyn dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay wateen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada shabaabka.

Wararka ayaa sheegay in howlgalka lagu gubay laba gaari oo kuw dagaalka ah, islamarkaana lagu dilay tiro Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada, Degaanka Baraag Cali Gududuud ayaa ka mid ahaa degaanada fara ku tiriska ah ee wali ku harsana gacanta kooxda Shabaabka ee ku sugan gobolka Mudug.

293240cookie-checkMaxaa ka Dhab ah in Duqeyn lagu Dilay Maleeshiyaad ka Tirsan Kooxda Argagixisada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com