Booyadaha Biyaha ee Baahi tira Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi..

Africa News

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa aad hoos ugu dhacay Baahida biyo yarida Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi kafib markii Ganactada Degaanka ay Tiro badan badan oo Booyado ah soo iibsadeen kuwaasoo Xaafadaha, Maqaayadaha Masaajida u dhaamiya Biyo Nadiif ah oo tayadoodu sareyso..

Maamulka Nairobi iyo Dowlada dhexe oo Xaafada ka qaada Canshuur aad u badan ayaa ku faahilmay iney wax ka qabtaan baahida koronto iyo biyo yarida ka jirta Xaafada Islii, iyadoo sidoo kale qashinka aan ka qaadin Xaafada, waxaana ugu wacan qorshe xumo iyo musuq baahsan oo ay Wadaan Ilaalada Degaanka.

Todobaadkii tagay ayeey Xoogaga Amaanka iyo kuwa Degaanka weerar ku qaadeen Suuqa Islii, iyagoo jabsaday Dhowr dukaan oo ay u geysteen Bililiqo xoogan, Xildhibaanada Degaanka Mr.Yuusuf Xasan ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha gudaha inuu ka dambeeyo Weerarka lagu qaaday Dukaamada.

310020cookie-checkBooyadaha Biyaha ee Baahi tira Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com