Bukaanada Uu Soo Ritay Cudurka Covid-19 Oo Sii Kordhaaya

Somalia news

Wararka laga helaayo qeybaha Caafimaadka ee Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Todobaadyadii ugu dambeeyay uu aad u kordhay tirada uu ku dhacay Bukaanada Cudurka caabuqa Ee Coronavirus, waxaana qeylo Dhaan laga keenay Oxygen La’aan ka jirta Magaalada, Iyadoo Isbitaalka Kaliyah Ee Cudurka lagu daaweeyo Ee Martiini uu Buuxsamay….

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in Tirada u badan oo uu soo ritay cudurkaan ay u badan yihiin Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada kuwaasoo lagu qiyaasay tiradooda 50-70 Bukaan, waxaana meesha ka baxday Gargaarkii loo fidin jiray Bukaanada kale.

Sidoo kale waxaa cilad farsamo ku timid Warshada Oxygen soo saari jirtay, taasoo la sheegay in Xaalada Bukaanada ay sii adkeysay, Kooxaha Caafimaadka ma awoodaan iney caawiyaan Bukaanada uu cudurka ku soo Dhacay, iyadoo qeylo dhaantooda ay gaartay meelo kala duwan, waxaana gargar Oxygen la weydiistay Warshad ku taal ceelsha Biyaha.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr.C/saaq Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Xaalada ka jirta Isbitaalka ay tahay mid adag, Isbitaalku wuxuu heysta qeybta ICU 20-sariirood, halka Oxygen laga waayay Magaalada Mogadishu ay sababtay inuu yaraado gargaarkii loo fidin jiray Bukaanada, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Hey’addaha caalamiga ah in Gargar deg deg la soo gaarsiiyo Isbitaalka.

96910cookie-checkBukaanada Uu Soo Ritay Cudurka Covid-19 Oo Sii Kordhaaya