Naftiis-Halige Isku Qarxiyay Goob Ganacsi

Somalia news

Faahfaahin hordhaca ah ayaa laga helayaa Naftiis halige oo isku soo Xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay Maqaayad lagu magacaabo Jalaato Divino oo kutaala wadada u dhaxeysa garoonka Aadan Caddee iyo Isgooska KM-4 gaar ahaan agagaarka Sahal Terminal….

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Shaqsigaan waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu galay gudaha maqaayada iskuna qarxiyay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa dad u badnaa dhalinyaro, kuwaasoo ka mid ahaa macaamiisha Maqaayada.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan oo goordhaw dhacay, inkastoo dhaawacyo tiro badan la sheegay iney jiraan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamada amaanka oo goobta xiray, waxaa sidoo kale goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega.

75280cookie-checkNaftiis-Halige Isku Qarxiyay Goob Ganacsi