Saraakiisha Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Nairobi Oo Qabtay 6-Haween Ganacsato ah 

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal baariseed oo ay fuliyeen Saraakiisha Ilaalinta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Nairobi waxeyna ku qabteen 6-Haween Somali ka soo jeeda kuwaasoo ka Ganacsata Dahabka, waxeyna la socdeen Flt Number Eth.318 ee Ethiopian Airlines…

Wararka ayaa sheegay in Ganacsatadaan ayaa ka soo duulay Dalka India, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Hafsa Warsame Kuresha, Abdi Hassan Arfon, Abdi Farah Sarah Ahmen Omar, Hassan Habiba Abdi and Hodhan Mohammed, Ganacsatadaan ayaa maalintii Khamiistii, iyadoo lagu qabtay Lacago US$ Cash ah oo dhan 857,300, una dhiganta 103,6 Millions KSh, Lacagtaan ayaa la ogaaday kadib markii ay Saraakiisha ay baaris ku sameeyeen Shandadaha ay Haweenka wateen.

217940cookie-checkSaraakiisha Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Nairobi Oo Qabtay 6-Haween Ganacsato ah