Bukaanada uu soo Ritay Cudurka Dacuunka Oo Somalia Sare u Kacday Xilli uu Xowli u Faafaayo…

Health Somalia news

Warbixino hordhac ah oo Caafimaad ayaa daaha ka rogeysa in ugu yaraan 75-Bukaan uu degaano ka tirsan Somalia ugu dhintay cudurka Daacuunka tan iyo bishii Jannaayo ee Sanadkaan, iyadoo ay sare u kaceen kiisas cusub, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka…

Warbixinta ayaa lagu xusan in wadarta guud 7,235 xaaladood oo cusub ayaa ilaa hadda la soo wariyay, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ayaa sheegtay, iyadoo raacisay in kiisaska Bukaanada oo tiradoodu lagu qiyaasay 4,647, ama 64 boqolkiiba, lagu sifeeyay kuwa daran.

Heerka dhimashada guud ee kiisaska wadartq guud oo isku cel celintoodu ay tahay qiyaastii 1.0 %, inkastaoo Degaanada gaar ah sida Boosaaso, Buulo Burte iyo Mahadaay ay muujinayaan sare u kac, Warbixinta Wasaaraddu ku xustay, Sida laga soo xigtay Warbixinta Wasaaradda, kiisaska la soo sheegay, 3,708, ama 51-%, waxay ahaayeen Dumar yihiin Bukaanada, taasoo muujinaysa u nuglaanshaha Haweenka ee caabuqa Daacuunka.

Waxaa sidoo kale lagu xusay Warbixinta Caafimaad ee Cudurka Daacuunka in 4,174 xaaladood, ama 58–%, ay yihiin Carruur Da’doodu ka hooseyso 5-sano jir, taasoo hoosta ka xariiqaysa khatarta sare leh ee soo food saartay Caruurta, Faafintaanka Cudurka Dacuunka ee ka dilaacay Dalka ayaa inta badan loo aaneynayaa iney sabab u tahay tirada sii kordhaysa ee Dadja aan haysan biyo nadiif ah iyo tas-hiilaad nadaafadeed oo ku filan.

322000cookie-checkBukaanada uu soo Ritay Cudurka Dacuunka Oo Somalia Sare u Kacday Xilli uu Xowli u Faafaayo…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *