Bus Lagu Qarxiyay Gudaha Magaalada Mandheera

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Qarax miino oo la la eegtay Gaari bus ah oo ka yimid Tuulada Lefay, kaasoo ka dhacay xaafad ka mid ah Degaanka Mandheer( Kenya), waxaana saarnaa 40-rakaab ah, iyadoo uu ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan oo Gaariga soo gaaray ….

Wararka hordhaca ah ayaa xaqiijiyay in Qaraxa miinada uu ka dhashay dhimashada 4-Qof oo ahaa Rakaab saaran Gaari Bus ah, Qaraxa ayaa ka kacay wadada Arabia Road ee Magaalada Mandheera, ugu yaraan dhowr iyo toban Qof oo dhaawac ah ayaa waxaana loo qaadey Isbitaalka Magaalada.

Qaraxa ayaa ahaa nooca dhulka lagu aaso, Baska oo subaxnimadii hore kasoo baxay Tuulada Afey ayaa wuxuu soo galayay Mandhera, Falkaan waxaa looga shakisan yahay inay Kooxaha argagixisada iyo kuwa dhowaan la aasaasay kuwaasoo Xalay ku aasay Miinada, inkastoo baaritaan ay wada Ciidamada Boliiska oo kaashanaya xeeldheerayaasha Waxyaabaha Qarxa.

104610cookie-checkBus Lagu Qarxiyay Gudaha Magaalada Mandheera