Maxaa Xiligaan Ku Qasbay Ciidamada Djibouti ee ATMIS iney ka Baxaan Magaalada B/Weyne & Xiisada…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS oo faarujiyay Fariisimadii ay ku lahaayeen magaalada Beledweyne, sida ay xaqiijiyeen dadka Degaanka, ka bixitaanka Ciidamadaan ayaa ku soo idlaaday 10-sano ah oo ay Magaaladaasi ka Howlgalaayeen, kuwaasoo ujeedkoodu ahaa Xasilinta Gobolka iyo Xaruntiisa…

Inkastoo aysan caddeyn sababaha rasmiga ah ee ay uga baxeen magaalada, balse waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisada u dhaxeysa labada Garab ee Beesha Xawaadle ee Hirshabelle iyo Shabelle State ee qeybo ka mid magaalada isku heysta. Talaabadan ayaa keentay in si deg deg ah ay ula wareegaan goobihii ay baneeyeen ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Dowlada.

Qeybta ay Degto Beesha Xawaadle ee Magaalada ayaa waxaa ka jira qalalaase xoog leh, waxaana la sheegay in dhaqdhaqaaqyada mucaaradka Hubeysan ay ku sii xoogeysanayaan magaalada Beledweyne iyo Degaanada ku dhow, ka bixitaanka ayaa sii kordhisay khilaafkii siyaasadeed iyo kan Maamul ee ka dhex jiray Horgalada Beesha Xawaadle iyo kuwa Hirshabeelle, taasoo sii murjisay Xaalada dhaqdhaqaaqii Magaalada, iyadoo Dadka Shacbka ay ka war sugayaan Dowlada Federaalka xalinta xiisadaan oo muddo dheer soo jiitameysa.

314380cookie-checkMaxaa Xiligaan Ku Qasbay Ciidamada Djibouti ee ATMIS iney ka Baxaan Magaalada B/Weyne & Xiisada…