Cabasho Laga Keenay Maamulka Waxbarashada Gobolka Benadir

Somalia news

Maamulka Waxbarashada Ee Gobalka Baanadir ayaa billaabay iney Dugsiyada ka ceyriyaan tobaneeyo kamid ah Ardayda Class-ka 4-aad ee Dugsiga sare kadib markii la sheegay in ay ku dhaceen Imtixaanka tijaabada ah ee Bilaha ah, kaasoo lagu tijaabiyo heerka aqoonta ardayga cashiradii ugu dambeeyay….

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Imtixaanka Bilaha ah oo dhowaan soo dhamaaday ayaa la sheegay in dhamaan Ardayda dhacday islamarkaana dhigta Dugsiyafa dowladda ee dhowaan lagu wareejiyay dowladda Hoose ee Xamar la eryay, halka kuwa natiijada hoose ku baasayna loo sheegay waalidiintooda si bisha dambe is-badal wanaagsan la yimaadaan.

Tijaabadaan ayaa la sheegay iney aheyd mid salka ku heysa heerka fahamka ardayga ee Manhajka cusub ee dowladda oo sanad dusgiyadeedkan si rasmi ah u bilaawday, talaabadaan ayaa aad loo hadal haayaa goobaha Waxbarashada, waxaana la sheegay in ay hadda socoto doodo arrintaan ku saabsan oo ay waalidiintu ku codsnayaan in markaan loo fasaxo si ay ugu cadaadiyaan in bisha dambe aysan dhicin.

71180cookie-checkCabasho Laga Keenay Maamulka Waxbarashada Gobolka Benadir