Haween Lagu Dhaawacay Tuulada Xanan-Burre

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya degaanka Xanan-burre ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen degaankaasi, kaasoo dhaliyay khasaare Nafeed….

Weerarkaan oo ka dhacay duleedka Tuulada Xananbuure ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday tiro haween xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi, Ilo Degaanka ah ayaa sheegaya in ugu yaraan labo haween ah ay ku dhaawacantay rasaasta ay fureen maleeshiyaadka, kuwaasoo loo soo qaaday magaalada Cadaado.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale maleeshiyada geysatay weerarkaasi ay wadada u gashay gaariga soo qaaday dhaawacyada, islamarkaana ay rasaaseeyeen, waxaana goobta ku geeriyootay mid ka mid ah haweenka dhaawaca ah iyo sidoo kale nin ka mid ah dadkii soo qaaday dhaawacyada oo la socday gaariga.

Maleeshiyada fulisay weerarkan ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan Xoogaga amaanka ee maamulka Galmudug, Sida ay sheegeen dadka deegaanka weerarkan ayaa salka ku hayo colaado u dhexeeyo Beelaha Saleyman iyo Ceyr.

71210cookie-checkHaween Lagu Dhaawacay Tuulada Xanan-Burre