Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo qarka u saaran iney xiraan Meherahooda Ganacsi & Sababta..

Business Somalia news

Waxaa muddo maalmo ah xiran Suuqyada Ganacsiga ee Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, iyadoo Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqyadaasi ay cabsho ka yihiin Maamulka Gobolka Benaadir oo ay ku eedeeyeen iney Shirad gaar u xil saaratay uruurinta Canshuurta isla markaasna ku amartay Ganacsatada iney bixiyaan khidmad dheeri ah…

Ganacsatadaan oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa sheegeen iney qarka u saaran yihiin iney xiraan meherahooda Ganacsi ee Suuqyada Suuq Bacaad iyo Bakaaraha, iyagoo ku eedeeyay iney maaro u la yihiin askar ka tirsan Ciidamada Dowlada, gaar ahaan kuwa Maamulka Gobolka Banaadir oo doonaya lacago ka dheeraad ah tan canshuurta.

Maamulka Gobolka ayaa Qandaraas ku siiyay Shirkad magaceeda lagu sheegay (Flash) ayna shikaako ku yihiin Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia iyo Maamulka Gobolka Benadir, iyadoo 40% ay Shirkada qaadan doonto halka 60% loo shubi doono Maamulka Gobolka, hadaba waxaa isweydiintu tahay maxaa shirkad gaar awood ugu adeegsaneysaa canshuur uruurinta, Ganacsatada ayaa ku doodaya iney bixiyaan Canshuurta Wasaarada Maaliyada iyo tan Gobolka.

Waxeyna ugu baaqeen Dowlada Federaalka iyo Rugta Ganacsiga iney soo dhex galaan xiisadaan oo ay sheegeen in tiro badan oo Ganacsato ah muddo 4-maalmood ah si sharci darro ah ugu xiran yihiin Saldhigyada Boliiska, iyagoo ka digay in haddii aan wax laga qaban arrintaan ay gebi ahaan xiri doonaan Megerahooda Ganacsi.

307820cookie-checkGanacsatada Suuqa Bakaaraha oo qarka u saaran iney xiraan Meherahooda Ganacsi & Sababta..