Kenya Oo Ergo U Soo Dirtay Muqdishu

Somalia news

Maamulka Uhuruu ayaa Magaalada Muqdisho u soo diray wafdi ka socday Wasaarada Arrimaha Dibeda Ee Dowlada Kenya uuna hoggaaminayay Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda, iyagoo lagu soo dhaweeyay Muqdisho…..

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Kenya Danjire Macharia Kamau, iyo wafdiga wehlinayay, iyadoo laga wada hadlay Xiriirka labada sidii loo wanaajin lahaa iyo Qodobo kale.

Sido kale, waxaa looga dooday Arrimaha Qaadka, Xiisadaha Colaadeed Ee ka taagan Degmooyinka B/Xaawo, Mandheera iyo Ceel waaq, Wafdiga uu hoggaaminayay Xoghayaha Joogtada oo socdaalkooda ahaa mid hal maalin ahaa ayaa isla shalay dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

71140cookie-checkKenya Oo Ergo U Soo Dirtay Muqdishu