Madaxweynaha oo ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta 1-da Luulyo 

Somalia news

Madaxweynaha Dowadda Federaalka Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska sanad guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen Gobolada Koonfureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa si faahfaahsan uga hadlay mudnaanta uu siinayo xaqiijinta halku dhigiisa ahaa Soomaali heshiis ah….

Madaxweynaha ayaa xusay in dhibaatooyinka curyaamiyey Dowladnimadda Soomaaliyeed tan iyo xornimadii kaddib, ay ugu horreyso qalbi jabka iyo kalsooni darrada Shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay dowladdooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhayo dhibaatooyinkii dhacay, dowladduna ay mudnaan siineyso heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo xal u helidda tabashooyinka jira.

“Dhibaatadii dhacday Dalkaan, muddadii xoriyadda la qaatay kaddib waa dheerayd, waa faro badneyd, laakiin kuwii ugu xanuun ka badnaa waxaa ka mid ah dhibkii waqooyi ka dhacay, waana waxa ilaa maanta dhowr iyo soddon sano kaddib wali aanu la tacaaleyno oo aan u la’ nahay xal waara. Kalsoonidii barigaa jabtay, dhaawicii gaaray kalsoonida dhex taallay shacabka Soomaaliyeed in aan ka soo kabanno waxay sii maraysaa dhowr iyo soddon sano. Khibradda ugu fiican ee aan taas ka baran karnana waa in qalbiga dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo, dhawacna aan loo geysan” ayuu yiri madaxweyne.

Gabagabadii Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay saameynta abaaraha, waxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dadaallada ay dowladda ku bixineyso gurmadka loo sameynayo dadka abaaraha la dhibaateysan.

197970cookie-checkMadaxweynaha oo ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta 1-da Luulyo 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com