Cabasho Laga Keenay Qaadashada Baasaboorada Soomaaliga

Somalia news

Waxaa isa soo taraya cabasho ay soo jeediyeen dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho, taasoo salka ku heysa in loo diiday qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ah, kadib markii lagu amray in ay iska soo jaraan timaha horey iyo gadaal kala dheer ama foodda ay u jaran tahay..

Tiro Dhalinyaro ah ayaa sheegay in loo diiday Baasaboor ilaa ay iska jaraan foodda, waxayna si isku mid ah caddeeyeen in shaqaalaha howsha wada gaar ahaan qeybta qaada sawirrada islamarkaana xogta diiwaan gelisa ay ka diideen, ilaa hadda lama yaqaano sababta, inkastoo ay muhiim tahay in Qofka wajigiisa iyo Labada dhagood loo baahan yahay iney muuqdaan.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia Mr.Koofi oo ka hadlay arrintaan, ayaa sheegay “waa arrin cusub oo la yaableh anigoo ka tirsan xafiiska ma ogi ee faah-faahin naga sii sheekadaan”, Dad badan ayaa hadalka taliyaha u qaatay mid jees jees ah, waxaana ka dhashay falcelin badan iyadoo inta badan dhalinyaradii ka hadashay arrinkaas ay isku mid ah uga cabanayeen dhacdadaan.

120230cookie-checkCabasho Laga Keenay Qaadashada Baasaboorada Soomaaliga