Abaabulo Ka Socda Baydhabo & Mogadishu Oo Lagu Diidan Yahay Doorashada

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba si weyn uga socda abaabulka kulamo iyo banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Lafta-gareen, taasoo salka ku heysa sidii xariga sharci darrada ah Ee Sheekh Mukhtaar Roobow…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in abaabulka socda uu yahay mid lagu diidan yahay inay doorasho ka dhacdo Koonfu Galbeed, ilaa laga soo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo laba sano iyo bar ah u xiran Maamulka Farmaajo, Siyaasiin, Saraakiil Ciidan iyo Odayaal dhaqan oo ku beel ah Wadaadka ayaa arrimahan ka billaabay Muqdisho iyo Baydhaba, iyadoo durba Baydhaba ay wajaheyso culeysyo iska soo horjeeda oo hab beeleed u abaabulan.

“Waxaa naga go’an in aanan Magaalada Baydhaba doorasho lagu qaban ilaa uu xorriyadiisa dib u helo Abuu Mansuur,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo xubin ka ah Xisbiga uu aasaasay Sheekh Mukhtaar Roobow, dhamaadkii sanadkii 2018-kii ayaa la xiray Wadaadka waxaana ka dhashay Banaanbaxyo sababay dhimashada 15-qof oo ay caruur ku jiraan.

120270cookie-checkAbaabulo Ka Socda Baydhabo & Mogadishu Oo Lagu Diidan Yahay Doorashada