Cabasho laga Soo Saaray Musalsalka “Arday” oo lagu Eedeeyay Dhaqan-xumo

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeertay qaar ka mid ah bahda Waxbarashada Gobolka Benaadir, kuwaasoo si kulul u cambaareeyay Barnaamij cusub (Musalsalka) oo taxane ah oo la magac baxay “ARDAY” kaasoo uu daah furay Bile TV, todobaadkii horena socday muddo saddex maalmood ah..

Musalsalkaan oo lagu soo duubay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Mas’uuliyiinta waxbarashada G/Benaadir waxa ay ku sheegeen inuu yahay mid ka hor imaanaya caqiidada Islaamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida, waxaana loogu magac daray (ARDAY).

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Mas’uuliyiinta Waxbarashadu waxa ay ugu baaqeen Shirkadda soo saartay Filimkaan inay ka noqoto barnaamijkan taxanaha ah, isla markaana ay Dadweynaha ka raali galiyaan dhibaato kasta oo ay geysatay, Saraakiisha ayaa sidoo kale ka digay in aan loo dulqaadan doonin isku day kasta oo mustaqbalka lagu baahiyo warar kuwan la mid ah.

Bile TV oo ah shirkadda soo saarta musalsalka ayaa difaacday shaqadiisa, waxayna sheegtay in ay tahay mid lagu horumarinayo waxbarashada iyo wacyigelinta arrimaha bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, weli wax jawaab ah kama aysan bixin dhaleeceynta uga timid saraakiisha waxbarashada, ku darsoo Dowladda Federaalka & Maamulka Gobolka ayaan ka hadlin, Daah-furka musalsalka ayaa dood ka dhex dhaliyay Soomaalida baraha bulshada, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay taageersan yihiin dhanka waxbarashada ee taxanahan, halka kuwo kalena ay ku dhaliileen inay sii hurin karto hab-dhaqannada laga soo mi guuriyay Reer Gslbeedja kana soo horjeeda dhaqanka Soomaalida.

254660cookie-checkCabasho laga Soo Saaray Musalsalka “Arday” oo lagu Eedeeyay Dhaqan-xumo