Caruur ku Geeriyootay Dhisme qadiimi ah oo ku dumay Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dhisme kamid ah Guryaha Qadiimiga ah (Mudadda dheer dhisanaa) oo ku yaalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa ku dumay Qoys degenaa, inta la xaqiijiyay waxaa geeriyooday ugu yaraan 3 carruur halka dhaawac uu soo gaaray Dad kale oo aan tiradoodu la shaacin…

Degmooyinka Gobolka Benaadir waxaa qaarkood ku yaalla Guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, Roobabka xooggan ee da’ay ayaa cabsi ku beeray qoysaska degen dhismahaasi duuga ah oo ka cabsaday iney ku dumaan, iyadoo aysan jirin degaan kale oo ay u guuraan.

Dhismahaan dumay ayaa waxaa gurmad u fidiyay Gaadiidka Gurmadka Degdega ah oo goobta gaaray ayaa sameeyay gargaar la siiyay Dadka dhibaatadu qabsatay, sidoo kale waxaa goobta gaaray Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir kadib markii uu maqleen dhibkaan oo goobta gaaray ayaa sameeyay dedaal xooggan oo loogu gurmanayo Dadka waxyeellada kasoo gaartay guriga dumay.

254690cookie-checkCaruur ku Geeriyootay Dhisme qadiimi ah oo ku dumay Magaalada Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com