Colaado Laga Abaabulaayo Gedo..

Uncategorized

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya abaabulo colaadeed iyo hub uruursi u dhaxeeya Jufooyin ka mid ah Beesha Mareexaan kuwaasoo kala taageersan Maamulka Jubbaland iyo Kan Farmaajo.

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Mudooyinkii ugu dambeysay uu Maamulka Farmaajo dhowr duulimaad ku daabulay Maleeshiyaad laga soo kala uruuriyay Gobolada Sool,Sanaag qeybo ka mid ah Mudug iyo Galguduud, kuwaasoo uu doonaayo inuu ku maamlo, waxaana Abaabulkaasi wada Horjooge Cabdulahi Kulane (Jiis/Mareexaan) iyo xubno kale, waxeyna farsiimo ka sameysteen Baardheere,Doolow iyo Luuq,iyagoo gacan ka helaaya Maleeshiyaadka Oromada Ethiopia.

Dhanka kale, Ciidamo Daacad u ah Maamulka Jubbaland oo ay wehliyaan ciidamo Kenyan ah ayaa lagu wadaa iney maalmaha soo socda gaaraan degmada B/Xaawo iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo,halkaasoo ay ka taagan tahay khilaaf dhanka maamulka ah.

Dhowaan ayaa la filayaa in Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo ay wehliyaan ciidamo Kenyan ah ayaa lagu wadaa iney maalmaha soo socda gaaraan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo,halkaas oo ay ka taagan tahay khilaaf dhanka maamulka ah.

Isku soo wada duub, Durbaanka colaadeed ee u dhaxeeya dhinacyada Beesha Mareexaan, isla markaasna taageerada weydistay Ciidamada Ethiopia iyo Kenya, ayaa laga yabaa iney khatar geliso jiritaanka Midnimada iyo Maamulka Dalka, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal faraha looga gubtay uu degaanadasi ka qarxo.

15090cookie-checkColaado Laga Abaabulaayo Gedo..