Odayaal Dhaqmeedyo & Siyaasiyiin ku sii Qulquleysa Magaalada Garoowe & Sababta…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo xal loogu raadinayo, xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, iyadoo ay Magaalada gaareen Odayaal Dhaqmeed iyo Siyaasiyiin hore…

Xogtaan ayaa intaasi raacineysa in haatan ay socdaan dadaallo xoogan oo ku aadan, sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland, iyadoo Dhaqdhaqaayada socda ay wadaan, Isimada Dhaqanka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Puntland.

Wufuuda saacadihii lasoo dhaafay gaaray, wafdi dhaqan oo uu hogaaminayo, Islaan Bashiir Islaan Cabdille, iyadoo maalmaha soo socdana la filayo in ay gaaraan Isimo kale oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada siyaadeed ee socda, waxaa shalay sidoo kale Garoowe gaaray, Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke iyo Cabdiweli Gaas oo iyaguna halkaas lagu soo dhaweeyay.

Sidoo kaloo Magaaladaasi ku wajahan Siyaasiyiin ay kamid yihii, Cabdiraxmaan Faroole, Axmed Ciise Cawad iyo qaar kale oo badan, Xubnahaan ayaa dhamaantood doonaya, in Siciid Deni ay ku cadaadiyaan, ka tanaazulidda damaciisa waqti kororsiga ah, xilli Puntland la doonayo in ay ka dhacdo doorasho horaanta sanadka soo socda.

264000cookie-checkOdayaal Dhaqmeedyo & Siyaasiyiin ku sii Qulquleysa Magaalada Garoowe & Sababta…