Hogaanka Puntland Oo isku Khilaafay Qorshaha Muddo Kororsiga Masmulka..

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash aysan isku aragti ka hayn qorshaha mudda kororsiga ee Maamulka uu wado, talabadaan oo horseeday in gacan ka hadal uu dhex maro Garabyada isku haya Siyaasada Puntland…

Ila-Wareedkaan ayaa sheegay in Mr.Deni uu gadaal riixayo inuu muddada kororsado, kana ansaxsado Baarlamaanka Puntland, islamarkaana aanu doorasho ku qaban wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay oo ku eg 8 Jannaayo 2024, Waxaase wararku tilmaamayaan in qorshaha mudda kororsiga uu diiddan yahay madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash oo raba in doorashada wakhtigeeda lagu qabto.

Mr.Axmed Karaash ayaa sida la sheegayo ku doodaya in haddii mudda kororsi yimaado uu horseedayo qalalaase amni iyo dagaal sokeeye oo ka qarxa Puntland, sidii horeba laga dhaxlay mudda kororsigii sannadkii 2001 & kii sanadkaan dhacay, Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda Xajka ku maqan ayaa la filayaa in marka uu soo laabto uu si rasmi ah u caddeeyo mowqifkiisa hubanti la’aanta ay Puntland wajahayso.

264100cookie-checkHogaanka Puntland Oo isku Khilaafay Qorshaha Muddo Kororsiga Masmulka..