Maxaa Xal u ah Khilaafka Dastuuriga ah ee Kala Qeybiyay Muwaadiniinta & Hey’adaha Siyaasada Puntland..

Uncategorized

Waxaa muddo bilooyin ah ka soo taagnaa muran iyo khilaaf Saaxada Siyaasada Puntland lana xiriira hanaanka geedi socodka doorashada ee lagu muransan yahay iyo rabitaanka Madaxweynaha Maamulka ee ku aadan furista Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa…

Marka la eego dhinaca doorashada Xisbiyada Mucaaradka waxey ku doodayaan in Doorashada Qof iyo Cod looga dan leeyahay muddo kordhin, iyadoo Madaxweynaha uusan la tashi ka gelin saamileyda siyaasada talabadaasi oo gogol xaar u noqon karta musuqmaasuq baahsan.

Khilaafkaan Dastuuriga ayaa sababay iney si weyn u kala qeybsamaan Muwaadiniinta iyo Hey’adaha Siyaasada iyo kuwa Amaanka, Mr.Deni oo Kulamo qarsoodi ah la yeeshay Xildhibaano taageersan ayaa ku adkeeyay iney sii wadaan furista Dastuurka si wax ka beddel loogu sameeyo qodoba kamid ah.

Horjoogaha Xoogaga Hubeysan ee Danab ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah Jimcaale ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in aysan marna aqbali doonin wixii ay ka dagaalameen, iyadoo ay muuqato cabsi dagaal iyo Qax ay bilaabeen Dadka Rayidka ah.

Dhinaca kale waxa laga war sugayaa Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir oo ku hawlan xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan furista dastuurka iyo hubanti la’aanta doorashada 2024.

267940cookie-checkMaxaa Xal u ah Khilaafka Dastuuriga ah ee Kala Qeybiyay Muwaadiniinta & Hey’adaha Siyaasada Puntland..