Cali Guudlaawe Oo Wareegto ku Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka & Duqa Magaalqda Jowhar

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe uu xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe iyo Duqa magaalada…

Wareegtadaan ayuuna Cali Guudlaawe mar kale ugu magacaabay Mudane Axmed Meyre Makaraan in uu noqdo Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe oo xilkiisa loo raaciyay duqa magaalada oon la cadeyn magaalada ay tahay, Dad badan ayaana isweediiyay waxa ay ka dhigan tahay magacaabistan cusub uu sameeyay Madaxweynaha gaar ahaan xilka cusub uu Axmed Meyre ugu kordhiyay ee ah Duqa magaalada aan la magac dhabin mida ay tahay.

Duqa magaalada Jowhar oo xarun dhexe u ah maamulka Hirshabelle ayaa marka loo eego awood qeybsiga Beelaha dega gobolkaasi waxaa saami ahaan u leh Beesha Gaaljecel, lamana oga ujeedka Cali Guudlaawe ka leeyahay magacaabistan lagu jahwareeray.

241250cookie-checkCali Guudlaawe Oo Wareegto ku Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka & Duqa Magaalqda Jowhar
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com