Caqabado ku Gudban in Dalka Somalia ku biirto Ururka EAC

Africa News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Caqabado dhowr ah oo la sheegay iney ku gudban tahay ku biiritaanka Suuqa Ururka EAC, kaasoo ay ku bahoobeen dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa, iyadoo bisha Jenaayo 2023-ka wafdi xaqiiqo raadin ah iyo qiimeyn loo soo diri doono….

Wararka ayaa sheegay in Agaasimaha guud ee Bahda Bariga Africa Mr.Peter Mathuki oo ah Sarkaal ku dhashay Dalka Kenya uu dhawaan hadal ka jeediyay Baarlamaanka Ururkaasi magaalada Caruusha ayaa sheegay iney suurto gal tahay in Somalia ay soo buuxiso dhamaan shuruudaha xubinimo si ay u noqoto Dalka 8-aad ee ku biira Ururka EAC.

Iyadoo sababaha ugu waa weyn ee fursadaha ku biiritaanka ay ka mid tahay iney deris la tahay Dalka Kenya oo Ururka ka mid ah iyo in Sanadkaan la aqbalay Dalka Congo oo meelo badan kaga mid ah Dalka Somalia, Balse waxaa jira Caqabado ay ka mid tahay Amniga iyo yareyenta Musuqamaasuqa, kuwaasoo noqon kara qodobo lagu diidi karo iney Somalia ku biirto Ururkaasi.

Waxaa lagu wadaa in Wafdiga Xaqiiqo raadinta Ururka ay ka koobnaan doonaan 3-xubnood Dalalka ku bahoobay Ururka, qiimeyntooda kadib ayaa lagu wadaa in la hordhigo Baarlamaanka Ururka EAC si ay u ansixiyaan, marka laga tago isku socodka Dadka iyo Badeecadaha waxaa lagu wadaa iney Somalia Ciidamo ku biiriso Ururkaasi.

233920cookie-checkCaqabado ku Gudban in Dalka Somalia ku biirto Ururka EAC