Kulanka Teendhada Afisioni & Qodobo Laga Doodaayo

Somalia news

27-ka Bishaan ayaa lagu wadaa in kulan looga hadlaayo Arrimaha Doorashada lagu qabto Teendhada Afisioni si looga doodo qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay degaan Doorashada, dib u dhaca wakhtiga Doorashada, Amaanka, Qoondada Haweenka, Xildhibaanada Waqooyiga iyo arrimo Kale…

Wasiirka 1-aad Mr.Rooble iyo Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolada ayaa lagu wadaa iney qalinka ku duugaan shan qodob oo heshiiskaasi muhiim u ahaa, kuwaa oo kala ah, tubta xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, hannaanka xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo, xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, qoondada haweenka, Hal degaan Doorasho iyo in lixdan cisho doorasho lagu qabto.

Madaxdu waxay garwaaqsan yihiin inaanay lixdan cisho ku qabsoomi karin Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, waxayna mar kale qorsheynayaan inay jiheeyan doorashooyinka dalka, Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay daneynayaan in hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashooyinka, bedelkii kow iyo toban goobaad lagu qaban lahaa, si lamid ah doorashadii 2016 oo lix goobood ay ka dhaceen.

126020cookie-checkKulanka Teendhada Afisioni & Qodobo Laga Doodaayo