Carruurta la nool Xanuunka Albino oo Faquuq ka la kulma Dugsiyada Waxbarashada..

Somalia news

Bukaanada qaba xanuunka jirka wada caddeeya ee Albino ee degan xerada Qaxootiga ee Dhagaxley ee Xeryaha Dhadhaab ayaa takoor kala kulma Dadka qaar ee xeryaha la degan, iyadoo sidoo kale lagu dhibo goobaha Ganacsiga…

Wararka ayaa sheegaya in Bukaanadaan oo tiradoodu lagu qiyaasauly 25-Qof. Waxay da’doodu u dhaxeysaa hal sano jir iyo ilaa 37 jir, Waxeyna cabasho ka keeneen in lagu dhibo helista adeegyada bulshada sida meelaha biyaha laga cabo, xarumaha laga qaato raashinka, Dugsiyada Waxbarashada, Isbitaallada iyo Suuqyada.

Sacdiya Saalim Imbeerwa oo ah 18 jir dhigatana Fasalka 8-aad ee Dugsiga hoose/dhexe kana mid ah Bukaanada qaba Albiinada waxay si joogta ah Ardayda iyo Dadka kale uga la kulantaa takoor ku saabsan midabkeeda, taasoo keentay inay saameyso nolosheeda, iyadoo sheegtay in hab-dhaqanka liita ee lagu liidayo muuqaalkeeda guud uu yahay wax ay u aragto in si ku talo-gal loogu dhibaateynayo, Waxayna dhaxalsiisay inay ku dhiiran weyso kaligeed inay Dugsiga addo.

Qoyska Sacdiya waxay bishii Janaayo ee sannadkii hore ee 2023 ka soo qaxeen deegaanka Mugaanbow oo ka tirsan degmada Jamaame ee Jubbada Hoose, Rooney Mukhtaar Cabdiqaadir oo ah hooyada Sacdiya ayaa sheegtay in deegaankeeda dadka ku nool ay ahaayeen beeraley ku tiirsanaa wax-soosaarka beerahooda.

312030cookie-checkCarruurta la nool Xanuunka Albino oo Faquuq ka la kulma Dugsiyada Waxbarashada..