Ethiopia oo loogu Baaqay iney Joojiso Hubka, Tababarada & Rasaasta ay Ku Taageerto Maamulka Waqooyiga Somalia..

Africa News Somalia news

Sanadkii hore, Maamulka Addis abeba oo wakhti badan geliyeen sidii loo soo afjari lahaa colaadda ka aloosnaa Gobolka Sool, inkastoo lagu eedeeyay iney Hub iyo Rasaas si qarsoodi ah u siiyeen Maamulka ka dhisan Waqooyiga Somalia, ayaan darrase heshiiska iskaashiga Amaanka ayaa ku qasbay inay Ciidan ahaan ka taageerto Xoogaga Maamulka gooni-goosadka ah si ay u u hirgeliyaan heshiiska sharci-darada ah…

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Dowladda Federaalka Somalia ay heshiis difaac la saxiixatay Ethiopia Decembar 2023, xiligaasi ayaa Dowladda USA soo dhaweysay waxeyna (Ethiopia) ku amaaneen nafta ay u hureen nabadeynta Somalia, balse waxay ku dhaleeceyeen Is-faham-badeedka sharci-darrada ah ee wiiqay howlgallada ka dhanka ah shabaabka ee argagixisada.

Warbxin hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya in Dowlada Erhiopia ay Ciidamo soo dhoobeen Xuduuda ku teedsan Gobolada Galguduud, Mudug, Sool iyo Togdheer, Waxa ay u muuqataa in ay dhasheen in Taliska Africancom ay Diyaarad kuwa Sahanka Ciidamada ah ay u diraan xuduudka u dhexeeya Somalia iyo Ethiopia, gaar ahaan aagga Sool, Sanaag iyo Togdheer, kadib qoraalo badan oo baraha bulshada lagu qoray oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa Cidamada Ethiopia ee gobolkaasi.

Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada ee Somalia waxaa ka saaran waajibaad damiireed si ay u xakameeyaan Maamulka Abiy oo siyaasadiisa dawladeed ay ku xad-gudub joogto ah ku heyso Midininada Wadajirka iyo Madax-banaanida Somalia. Sanadkii hore, Biixi ayaa diiday dhamaan baaqyadii QM ee ahaa inuu ciidamadiisa kala baxo duleedka Laascaanood, wuxuuna ku andacooday inuu isagu leeyahay furaha nabadda.

312060cookie-checkEthiopia oo loogu Baaqay iney Joojiso Hubka, Tababarada & Rasaasta ay Ku Taageerto Maamulka Waqooyiga Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com