Hogamiyayaasha Bariga Africa Oo Dalalkooda Burbur Iyo Dagaalo Qaranka U Saaran

Somalia news

Xiligaan waxaa dunida ka sii dhamaanaya Hogamiyayaal kali-talis ah oo dadka Qoriga caaradiisa ku caburinaaya, isla Markaasna hortaagan in dalalkooda ay ka hirgaasho Doorasho demuqaradi ah oo ay Shacbiga doortaan, ayaa Abiy iyo Farmaajo ku haminayaan iney Taarikhda Dib ugu celinayaan 1970-kii…

Ethiopia:-

Hogaanka Addis Abeba ka taliya xiligaan Oo sida la xasuusan yahay sanadakii tagay lagu Abaal-mariyay Billada Nabada (Nobel Peace Price), ayaa u muuqda inuu wajigiisa runta ah ee Kali-taliska la soo baxay kadib markii uu Barlamaanka ka ansaxsaday in dib loo dhigo Doorashada isla markaasna wakhti aan la cayimin muddo kororsi ansaxsaday.

Waxaana durbadiiba ka soo horjeestay Go’aanka asi Maamulka Tigreega, iyagoo ku adkeystay iney qabsanaayaan doorasho, isla markaasna ku dhawaaqi doonaan goosasho, hadii aan wakhtiga loo cayiman lagu qaban doorashada, ku darsoo waxaa Magaalada Addis Abeba ka qaxay Bulshada Tigreega ka soo jeeda.

Somalia:-

Hogaanka Villa Somalia ayaa bilihii I dambeeyay waday qorsho dib loogu dhigaayo Doorashada, isagoo kaga dayanaaya adeerkiis Siyaad Barre iyo Saaxiibkiis Abiy Axmed, waxaana muuqda ififaalo caddeynaaya inuu Dalka cagta saaray iney dagaalo sokeeye ka qarxaan, isla markaasna ay dib u soo xoogsadaan Kooxaha argagixisada.

Wararka ayaa sheegaya in Siyaasada Arrimaha Dibada ee USA Gaar ahaan Danjireyaasha Mareykanka u fadhiya Muqdisho iyo Addis Abeba ayaa Mas’uul ka yihiin marin habaabinta Labada Nin ( Abiy Iyo Farmaajo, waxeyna Horjoogayaashaan isku bedelaan iney kala metelaan (Abiy-Mugaabi) iyo (Farmaajo-Siyaad Barre).

Todobaadka Soo socda ayaa lagu wadaa in Saraakil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ay Kulan u qabtaan Madaxda Geeska Afrika, kaasoo lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Jabuuti, waxaana lagu wadaa in dhambaalo digniin ah loo jeediyo iney hamigooda iyo riyadooda meel iska dhigaan Oo u soo jeestaan badbaadinta dalalkooda.

41260cookie-checkHogamiyayaasha Bariga Africa Oo Dalalkooda Burbur Iyo Dagaalo Qaranka U Saaran