Ciidamada Amaanka Garoonka Diyaaradaha Oo Saraakiil Safar Ah Hor istaagay

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa is hortaag lagu sameeyay Saraakiil ka tirsan NISA oo lagu Eedeeyay iney ku lug lahaayeen Dilka Sarkaalada Ikraan Tahliil, kuwaasoo doonaayay iney u baxsadaan Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, si ay gabaad uga dhigtaan halkaasi…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Saraakiishaan ( Eedeysanayaashaan) loo diiday iney ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ay kala yihiin Horjooge Cabdullaahi Kulane (Jiis-Mareexaan) iyo Cabdiqani Wadana qabad oo isugu u socday Dalka dibadiisa.

Eedeysane Wadne qabad ayaa la xaqiijiyay inuu safraayay Baasaboor Dal kale, iyadoo labada Eedeysane ay qeyb ka yihiin Xubnaha lagu tuhmaayo iney ka dambeeyaan Dilka Ikraan Tahliil, iyadoo laga gudbiyay dacwad Ehelada Marxuumada dacwadana ay ka furan tahay Maxkamada Ciidamada.

140670cookie-checkCiidamada Amaanka Garoonka Diyaaradaha Oo Saraakiil Safar Ah Hor istaagay