Gadiid Badeecado Kala duwan sida Oo Maalmo ku Xayiran Tuulada Xarfo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Makeeshiyo beeleed aad u hubeysan ayaa maalintii 4-aad oo xiriir ah oo u xiran tahay Koontoroolka laga soo galo degaanka Xarfo ee Waqooyiga Gobolka Mudug (Puntland), halkaas oo ay ku xayiran yihiin tiro badan oo Gaadiid xamuul sida…

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka oo gadoodsan ay Barta Koontorool ku xayireen gawaarida waaweyn ee ka yimaada magaalada  Boosaaso halka kuwa yar-yar ee isaga kala goosha Gaalkacyo iyo Garowe ay maleeshiyadku weydinayaan in ay lacag (Baad) bixiyaan.

waxeyna Maleeshiyadkaan gadoosan oodiiday in wax gaadiid ah ay ka gudbaan Xarfo ayaa la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin labo nin oo ku baxay gacanta dowladda, kadibna lala xaaliwaayay qabiiladii ay ka dhasheen, Gaadiidkaan ku xaniban kastamka degaanka Xarfo ayaa u badan kuwo badeecado ka soo qaaday dekedda Boosaaso oo u socday gobolada dhexe ee Somalia.

Maamulka Gobolka iyo kan Dowlad Goboleedka Puntland ayaan weli ka hadlay tallaabadan ay qaadeen maleeshiyaadka hubeysan, waxaana socda dadaalo ay wadaan Odayaasha dhaqanka oo ay ku doonayaan inay xaliyaan xiisadda ka taagan tuulada Xarfo.

213720cookie-checkGadiid Badeecado Kala duwan sida Oo Maalmo ku Xayiran Tuulada Xarfo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com