Ciidamada Amisom Oo Dad Rayid ah Ku Xasuuqay degaanka Golweyn

Somalia news

Warrarka naga soo gaaraya degaano hoos taga gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in todobo qof oo rayida isku meel lagu dilay kadib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Kooxda Shababka…

Wararka ayaa sheegay in xili Barqadii maanta ah ayaa kolonyo ciidamada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ay wadada u galeen Shabaab halkaas oo uu dagaal culus ka dhacay.

Dagaalka kadib ayaa la sheegay in ciidamada Uganda ay shan qof oo rayida kala baxeen beer ku taala meel u dhow halka uu dagaalku ka dhacay, sidoo kalena laba darawal oo kalena kala dageen gawaaridii ay wateen, waana dileen.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cusmaan Raage oo BBC Somali la hadlay ayaa AMISOM ku eedeeyay in dadkaas rayidka ah ay dileen. “Inta indhaha ka xireen ayey ku fariisiyeen miino ka dibna way ku qarxiyeen”, ayuu yiri Nuur. 

“Iyadoo xabado la isku ridaayo haddii dadka ay dhintaan, qofba meel ayuu ku dhimanayaa. Dadkaan waa dad la soo uruuriyay oo gacmaha iyo indhaha laga xiray ka dibna la laayay waayo”, ayuu yiri. 

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo codsaday in aan magaciisa la shaacin oo aan wax ka weydiinay dhacdadaasi ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi aanay wali maqlin balse ay xog dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan raadin doonaan.

134240cookie-checkCiidamada Amisom Oo Dad Rayid ah Ku Xasuuqay degaanka Golweyn