Rooble Oo Nairobi u Baxay Xili Hubanti La’aan Amaan Ay Ka Jirto Caasimadda

Somalia news

Ilaa Xalay fidii Magaalada Mogadishu waxaa ka tagnaa Qalal amni oo ay horseedeen Ciidamo hubeysan oo ka amar qaata Villa Somalia oo la dhigay Isgoysyada Magaalada, kuwaasoo Xayiraado ku soo rogay dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo Socotada, inkastoo markii dambe laga qaaday barihii ay Joogeen Ciidamadaasi kadib markii Ciidamada intoodii badneyd ay dib ugu laabteen fadhiyadooda.

Ilo Wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dhaqdhaqaaqaan Ciidamadaan ayaa la sheegay inuu amarkiisa bixiyay Farmaajo si uu amniga Magaalada u khalkhal geliyo, islamarkaana shaki la geliyo safarka Rooble, iyadoo Ciidamadaan ay u badnaayeen Kuwa Madaxtooyada iyo Gorgor, loona sheegay iney Maleeshiyaad Shababka ah weerar ku soo yihiin magaalada, waxaana la dhigay Wadooyinka Wadnaha iyo Maka al-mukarana iyo Wadada Airporka.

Inkastoo Ra’iisul Wasaarahu uu soo fara geliyay xiisadaan kuna amray Ciidamada iney Wadooyinka furaan, wuxuuna kulan la qaatay laamaha amniga isaga oo faray xoojinta amniga guud ee waddanka gaar ahaan caasimadda Muqdisho . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday.

Xogo dhinacyo badan laga helay Ayaa tilmaamaya in Farmaajo iyo Fahad ay maleegeen qorshe lagu carqaladeynaayo Amaanka Caasimadda iyo safarka Rooble ee Nairobi uu ugu baxay oo xubno Xafiiskiisa ka tirsan ay maalmo ku sugan yihiin Kenya si ay u diyaariyaan hab-maamuuska Wasiirka 1-aad.

134170cookie-checkRooble Oo Nairobi u Baxay Xili Hubanti La’aan Amaan Ay Ka Jirto Caasimadda