Maxaa Ka Dhaxeeya Deeqda Qamadiga Dowladda Russia ee Somalia & Magacaabista Ergeyda Gargaarka ee Ukraine…

Somalia news

Iyadoo Safiirka Dowladda Federaalka Russia ee Dalka Djibouti uu dhawaan safar shaqo ku yimid Caasimada Mogadishu si uu ugu Wareejiyo Markab Xamuul oo sida Qamadi dhan 25-Kun oo tan oo deeq ahaan loogu deeqay Shacbiga Soomaaliyeed, ayaa dhanka kale waxaa soo shaac baxaaya Warar la xiriira Ukrain oo Wakiil magacaawday…

Dowlada Ukrain ayaa tiro Wakiilo Sharafeed u magacaawday Christopher Fomunyoh, Wasiirkii hore Waxbarashada Nigeria, Obiageli Katryn Ezekwesil, ex-Malawi President Joyce Banda iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda ee Maamulka Gooni goosadka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Omar, Charlotte Leslie, oo soo noqotay Xildhibaan dawladda Ingiriiska ah iyo Manav Sachdeva, oo kasoo hawlgalay xarunta guud ee Qaramada Midoobay.

https://panafricanvisions.com/2023/11/former-somaliland-minister-mohmmad-abdullahi-appointed-ambassador-for-grain-from-ukraine/

Maxamed Cabdullahi wuxu ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Somaliland sanadihi 2010kii ilan 2013kii, Wuxuu kaloo soo qabtay Xilka Wasiirka Ganacsiga ilaa May 2014-kii markaasoo uu xilka ku waayay khilaaf siyaasiga oo Xisbiga Kulmiye dhexdiida ahaa.

Hadaba, Maxaa xiligaan adag isku keenay Ukraine iyo Maamulka Hargeysa, iyadoo la xasuusan yahay in Xiriirka ka dhaxeeya Taiwan iyo Maamulka Muuse Biixi, dhamaan isku soo hoori Siyaasada Fashilka ee USA & UK miyeey weli u hamuun qabaan iney dhiiri geliyaan kala dhantaalka Midnimada iyo Wadajirka Somalia.

289740cookie-checkMaxaa Ka Dhaxeeya Deeqda Qamadiga Dowladda Russia ee Somalia & Magacaabista Ergeyda Gargaarka ee Ukraine…