Wasiir Kale oo Ka Tirsan Maamulkii Farmaajo oo Fadeexad Dul-hoganeysa

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in xiligaan kala guurka ah ee Dowladda Federaalka ay ku jirto ayaa waxaa soo shaac baxaaya in fadeexad kale ay dul hoganeyso Wasiir kale oo ka tirsanaa Maamulkii Farmaajo kaasoo lagu eedeeyay inuu bixiyay shatiyo Kaluumeysi…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaarada iyo Maamulka Puntland ay qeyb ka yihiin Markab Kaluun siday oo ay fasaxeen kaasoo ka shiraacday dekada Boosaaso.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Dr.Hodan Cusmaan oo ah Xaaska Wasiirka Qorsheynta Dowlada Federaalka Jamaal Maxamed Xasan ayaa lagu eedeeyay iney raad ku laheyd hirgelinta heshiiska Markabka Kalluunka lagu fasaxay, iyaduna waxaa laga yaabaa in shaqo joojin lagu sameeyo maadaama ay Wasaarada Qorsheynta seygeeda ay la-taliye u tahay.

190640cookie-checkWasiir Kale oo Ka Tirsan Maamulkii Farmaajo oo Fadeexad Dul-hoganeysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com