Ma Dhabaa in Garabyo Isbaheystay ay Mooshin Ka Diyaarinayaan Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Garabyo is-biirsaday ay ku howlan yihiin sidii Mooshin looga keeni lahaa Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Barlamaanka Federaalka Mrs.Sacdiya Yaasiin Salaad, iyadoo Ololahaani oo ka soo bilaawday Garoowe uu haatan ka socdo Hoteelo iyo Guryo ku yaal Caasimada Mogadishu…

Xogtaan ayaa sheegtay in aragti ahaan uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu aqbalay, iyadoo Tiro Xildhibaano ah oo taageersan Mr.Deni ay wadaan Ololahaan, Guddoomiye Sacdiya Salaad kamid aheyd xulufada siyaasadeed ee Madaxweynaha Somalia tan iyo markii laga adkaaday maamulkii Fashilmay ee Farmaajo.

Warar ayaa sheegaya in Ololahaan lagu fasiray naceybka Haweenka ku saleysan uu dhaqaale badan ku bixiyay Mr.Deni, waxaana digniino xoogan ka soo saaray Ururada Haweenka Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka, hase yeeshee lama saadaalin karo qamaar ciyaareedkaan siyaasadeed ee ka socday magaalada Muqdisho halka uu ku dhamaan doono, xilli dhowaan uu furmayo Kalfadhigga Golaha Shacabka BJFS oo hada fasax ku jira.

224420cookie-checkMa Dhabaa in Garabyo Isbaheystay ay Mooshin Ka Diyaarinayaan Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com